Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Somalia oo baadi goobaya Cabdirasaaq Cali Macalin

Booliska Soomaaliya ayaa baadi goobaya askari ka tirsanaa ciidankaas oo baxsaday ka dib markii lagu eedeeyey dambiyo kala duwan, waxaana la baahiyey sawirkiisa.

“Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku wargalinayaa inuu baxsad yahay  Ex. A/lle Cabdirasaaq Cali Macalin oo horay uga tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska Booliska.

Booliska ayaa ka codsaday shacabka iney soo war geliyaan booliska cidii aragta ninkan

“Eedeysanahaan baxsadka ah oo galay dembiyo kala duwan  kuna kacay  qiyaano qaran, ayaa qoraal ka soo baxay Taliska Booliiska waxa ay shacabka ka codsadeen in cid kasta oo aragta ama hesha xog ku saabsan oo sahli karta  soo qabashada eedeysanahaan in ay la wadaagto Saldhiga Booliiska ugu dhaw ama ay wargaliyaan Laamaha amniga” ayaa lagu yiri qoraalka

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay sidoo in cidii keenta xog ku saabsan eedeysanahaan la siin doono abaalmarin ay ku qanacdo.

Related posts

Nuqul kamid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo oo laga guddoomay Karry Andre (Sawirro)

Cabdi Cade

Odayaasha iyo bulshada rayidka ee soo xulaya 5-kursi oo katirsan golaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Daawo:-Finalkii ugu xiisaha badnaa oo Lasoo gabagabeyay & Rooble oo Ka farxiyay kooxdii guuleysatay

admin
Taboola Ads ---