Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo eedeyn culus u jeedisay maamulka Somaliland

Maamulka Puntland, ayaa maamulka Somaliland ku eedaysay inay taageero xooggan siiso kooxaha xiriirka laleh ururada Alqaacida ee Daacish iyo Alshabaab oo lagula dagaalamayo deegaamo katirsan koonfurta Soomaaliya Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo waraysi bixiyey ayaa tilmaamay in hoggaamiyayaasha ugu badan ee Alshabaab ay ka soo jeedaan Somaliland, ubadkooduna ku nool yihiin, taasina ay muujinayso sida ay qaybta uga tahay deganaansho la’aanta Somalia.

Dirir, wuxuu intaasi ku daray inay Somaliland ku yaallaan saldhigyo lagu soo diyaariyo digaalyahanada kooxaha nabaddiidka ah, kadibna loo gudbiyo buuraleey ku teedsan Puntland iyo qaybo kamid ah Koonfurta Somalia sida uu hadalka u dhigay.

Agaasimihii hore ee Sirdoonka Somaliland ayaa horay u sheegay inay marar badan isdhaafiyeen xubno katirsan Alshabaab oo ku socdey Cal-madaw, halka shaqsiyaad badan oo soo galay gacanta laamaha ammaanka Puntland qirteen in laga soo geliyey dhanka Somaliland.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo jabsaday xogta shir iyaga ka dhan ahaa iyo Olaf Scholtz oo ka carrooday falkaasi

Cabdi Cade

Sargaal ka goostay dowladda Federaalka oo Jubbaland isku dhiibay

Cabdi Cade

Tirada ciidamada Ruushku u diyaariyey duulaanka Ukraine oo la ogaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---