Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa goordhaw kasoo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib safar uu maalmihii lasoo dhaafay ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Maxamed Mural Garoonka Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay  Gudoomiye kuxigeenka koobaad iyo kan labaad ee golaha Shacabka iyo Xildhibaano badan oo isugu jira mucaarad iyo muxaafid kawada tirsan golaha shacabka.

Soo dhaweynta Gudoomiyaha golaha Shacabka ayaa aheyd mid aan caadi aheyn oon horey loogu baran in loo sameeyo, waxa ayna soo dhaweyntiisa u muuqagaa dhoolo tus iyo kala jiidasho labada garab ee Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa looga fadhiyaa in uu cadeeyo go’aankiisa ku aadan kala diristii Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyada iyo la xisaabtanka Hay’adaha dowlada, waxaana Gudoomiyaha laga dhoorayaa go’aanka uu qaadan doono.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Gudoomiyaha golaha shacabka uu ogolaan doono kala diristii Guddiga Maaliyada, halka dad kalana ay qabaan in ay suurto gal tahay in uu muujiyo awoodiisa kana soo horjeesto go’aankii guddigaasi lagu kala diray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -