Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyaha Sirdoonka Turkiga (Sawirro)

Madaxweynaha JFS Xassan Shiikh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada, iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibraahim Kalin.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay hormarinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Sirdoonka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dowladda Turkey ayaa Soomaaliya ka taageerta dagaalka dalka looga sifeynayo Al shabaab iyo dhinacyo kale oo badan..

Related posts

Guri Weyn uu lahaa Madaxweyne Joseph Kabila oo la gubay

admin

Aabbaha Maskaxda Macmalka ah oo iska casilay shaqadii uu hayay soona saaray Digniin

Cabdi Cade

Tirada shilalka gaadiidka ee sanadkan ka dhacay jidadka Muqdisho oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---