Allbanaadir.com
NEWS

Horjooge katirsanaa Al Shabaab oo la dilay iyo hubkiina laga qaatay (Sawirro)

Ciidanka amaanka degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu ahaa horjooge katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada soo furteen hubkii iyo mooto uu ninkaasi watay.

Howlgalka ay fuliyeen ciidanka amaanka oo ka dhacay deegaanka Kooney, ayaa lagu dilay Macallin Qaddiid oo la sheegay in uu ahaa horjooge kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta waxa loo yaqaan sakawaadka dadka shacabka ah kooxdaasi ka qaadaan.

Saraakiisha ciidanka amaanka ee degmada Bardaale, ayaa warbaahinta u sheegay in ay heleen xog ku aadan halka uu joogay sargaalkan, waxa ayna sheegeen in ciidamada ku guuleesteen in ay ninkan dilaan kana soo furtaan hubkii iyo mooto Fekon uu watay sargaalka la dilay.

Ciidamada amaanka ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool, ayaa mararka qaar fuliya howlgalo qorsheysan ay ku waxyeeleeyaan saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo mararka qaar yimaada deegaanno ku dhaw dhaw halka ay ciidamada amniga joogaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dagaalo caawa ka dhacay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Laftagareen oo wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali

Daacish oo War ka soo saartay qarax saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---