Allbanaadir.com
NEWS

Dad bilaabay in saxarada Maroodiga u isticmaalaan daawada cudurka Covid-19 !!

Shacabka Namibia ayaa bilaabay in saxarada Maroodiga u isticmaalaan daawada cudurka safmarka ah ee Covid-19, waxaana dowlada dalkaasi bilawday in shacabka uga digto isticmaalka saxarada Maroodiga.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta dawo-dhaqameedka ayaa sheegay in saxarada maroodiga la isku uumin karo si la isaga daweeyo hargabka, madax xanuunka iyo dhiigga sanka ka soo dareera, balse saynis ahaan lama tijaabin arrintaas.

Wasiirka Caafimaadka dowlada Namibia Kalumbi Shangula ayaa dadka uga digay in saxarada maroodiga ay u isticmaalaan dawada Covid-19, waxa uuna sheegay in ay jiraan dad ku qasbaya bukaanada in saxarada maroodiga daawo u yahay Covid-19.

“Waxaan ka walaacsanahay dad aan daacad ahayn oo dadka kale ku qasbi doona inay lacagtooda ku bixiyaan wax aan micno lahay iyagoo rajo ka qaba inay ku caafimaadi doonaan,” Mr Shangula .

Dalka Nambia oo kuyaala Kuufurta Qaarada Afrika ayaa kamid ah dalalka uu saameynta ku yeeshay cudurka Caronavirus, waxaana dalkaasi inta la xaqiijiyay cudurkaasi ugu dhintay dad gaaraya 37-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex Xildhibaan oo Daqiiqado gudahood kusoo baxay Doorasho aan lagu tartamin (Sawirro)

Cabdi Cade

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay markab laga leeyahay dalka Switzerland (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo loo ansixiyay muddo kadib dhaqaale looga jawaabayo COVID-19 & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---