Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo kulamo xasaasi aha ka bilaabay Moqokori (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa caawa  kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweynuhu ayaa ka xog wareystay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira

Waxay soo bandhigeen sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta tagay degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha dhexe oo ka mid ah talisyada laga hoggaamiyo hawlgalada lagula dagaalamayo al shabaab

Madaxweynaha oo dayuurad Helicobter ah ay ka qaaday Muqdisho ayaa saaka kolonyo uu la socday waxaa qarax weyn lagula beegsaday meel aan ka fogeyn madaxtooyada DF, waxaana uu qabsaday qaraxaas mid ka mid ah gaadiidkii madaxweynaha Gelbinayey.

ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan ayaa halkaas ku dhintay kadib markii qaraxaas uu soo dumiyey guryo ku yaalla goobta uu dhacay, waxaana masuuliyada qaraxaas sheegatay kooxda Al-shabaab.

Related posts

Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho oo Qaab beeleed loo xaliyay

Cabdi Cade

Xukun lagu riday 15 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jirto Haweeney indho la’ (Sawirro)

Caydiid Ali

Joe Biden: ” Trump waa Madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara Maraykanka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---