Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo katirsan Asluubta oo lagu soo dhaweeyay farumaha hore ee Dagaalka

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliya,  ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ciidankan ayaa  qeyb ka noqon doona soo afjaridda kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo halkaa u joogo dardargelinta dagaalka lagu baacsanayo Al Shabaab, ayaa ciidankan ku so dhaweeyay furumaha hore dagaalka gobalka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo shalay laga sagootiyay magaalada Muqdisho.

Gobalka Shabeellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgallo culus oo argagixisada lagu naafeeyay, iyadoo geesiyada is garabsanaya ay nafta dhaafiyeen maleeshiyaad tiro beel ah, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, waxaana lagu burburiyay Saanad ciidan oo khawaarijta laheyd.

Guud ahaan deegaannada Al Shabaab ku dhuumaaleysanaysa waxaa ka socda howlgallo dhulka iyo cirka ah oo ay iska kaashanayaaan ciidanka Qaranka, kuwa deegaanka iyo saaxiibada caalamka, iyadoo horjoogayaal muhiim u ahaa Al Shabaab lagu khaarajiyay looga  furtay saanad ciidan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raiisul wasaare Khayre oo kulan la qaatay Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise islaan Maxamed Safar uu ku tagay Garoowe(Daawo Videio)

admin

Tirada dadka ku dhintay musiibo ka dhacday goob lagu caweeyo oo korortay

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo iska bedelay ilaaladiisa gaarka ah & sabab yaab leh oo ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---