Guddoomiye Mursal oo markii ugu horeysay ka hadlay kala dirista guddiga Maaliyada

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markii ugu horeysey ka hadley kala diristii guddiga maaliyada baarlamanka ee uu sameeyey gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad.

Gudoomiye Mursal oo hadda ku sugan dalka Turkiga, ayaa sheegey inuu beri tegi doono Muqdisho, dibna ay u eegi doonaan go’aanka kala dirista gudiga maaliyada, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay xeer hoosaadka barlamanka.

Isagoo la hadlayey VOA ayuu ka gaabsaday inuu cadeeyo iney sharci tahay iyo in kale kala dirista xubnaha guddiga Maaliyadda, wuxuuna xusay isagoo dalka ka maqan inuusan gaari ka karin go’aan.

La taliyaha guddoomiyaha Baarlamanka Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa shalay sharci daro ku tilmaamay talaabadii gudoomiye ku-xigeenka baarlamanku ku kala diray guddigii Maaliyada.

C/qaadir Maxamed Nuur ayaa intaas ku daray in habka loo kala diray guddiga aysan waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamanka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu waajib ka saaran yahay ilaalinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa” ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -