La-taliyaha Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka soo horjeestay kala dirida guddiga Maaliyada

La taliyaha guddoomiyaha Baarlamanka Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sharci daro ku tilmaamay talaabadii gudoomiye ku-xigeenka baarlamanku ku kala diray guddigii Maaliyada.

C/qaadir Maxamed Nuur ayaa intaas ku daray in habka loo kala diray guddiga aysan waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamanka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu waajib ka saaran yahay ilaalinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa” ayuu yiri C/qaadir Maxamed Nuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook.

Kala dirida guddiga Maaliyada ayaa timid ka dib markii gudiga ay soo saareen warbixin si weyn uga careysiisay madaxda dowlada oo qaar ka mid ah heyadaha dowlada ku eedeysay musuq iyo lunsasho hanti ummadeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka ayaa kala dirida guddiga u cuskaday kala qeybsanaan iyo khilaaf soo kala dhex galay gudidga kaasoo salka ku hayey warbixinta muranka badan dhalisay.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlaamanka oo safar uga maqan dalka uu si weyn u diidan yahay habka loo kala diray guddiga Maaliyada, waxaana arintan laga cabsi qabaa iney mar kale khilaaf cusub iyo ismari waa ka dhex abuurto madaxda sare ee dowlada.

Gudoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -