Daawo Sawirada : Ciidamada Amaanka oo magaalada Muqdisho ku qabtay burcad hubeesan

Ciidamada booliiska ayaa degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir ku qabtay burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay xaafado katirsan degmada Yaqshiid .

Labo nin oo kamid ahaa burcada hubeesan ee shacabka dhaca u geesanayay ayaa ciidamada amaanka qabteen, waxaana mid kamid ah burcada soo gaaray dhaawac kadib markii uu isku dayay in uu baxsado.

Burcada hubeesan ayaa xiliga la qabanayay watay moobeelo badan ay dad shacab ah kasoo dhaceen, waxaana maamulka degmada sheegeen in burcadan markii la qabanayay ku howlanaayeen dhac.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga maamulka Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay howlgalka ciidamada amaanka ku qabteen burcada hubeesan ee dhaca iyo dhibaatada kale ku hayay shacabka .

Ciidamada amaanka ayaa Muqdisho kawada howlgalo ay kula dagaalamayaan burcada hubeesan ee dadka shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geesta, waxa ayna ciidamada marar badan qabteen burcad hubeesan iyo mootooyin ay adeegsanayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -