Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo golihiisa Wasiirada ku soo daray Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka….

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa golihiisa Wasiirada kusoo daray Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye .

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xilka wasiiru Dowlaha wasaarada ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya loogu magacaabay C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xilkan wasiiru dowlaha Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ka qaaday Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go), oo mudo dhoor sano ah xilkan hayay.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif ayaa mar kale ku guul dareestay in uu kamid noqdo Baarlamaanka maamulkaasi, waxaana la sheegay in heshiis hoose oo lala galay looga reebay laguna qanciyay in Wasiiru dowle laga dhigo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo ka carooday talaabo ay qaadeen qaar kamid ah Iskuulada kuyaala Somaliland

Cabdi Cade

Fa’iza Maxamed Raage “Soomaaliya waxaa ka baxay shaqsi bulshada waxtar u lahaa…”

admin

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Dalka Oo Murshaharkiisi Bisha Marso Ugu Deeqay….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---