Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ma dhab baa in Guddoomiye Mursal oo ka soo horjeedo kala dirista guddiga Maaliyadda?

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa maanta lagu kala diray Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka ee dhowaan soo saaray warbixin ku saabsan wax is daba marin ka dhacay Miisaaniyadda 2018.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inuu la-tashaday guddoomiya ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, isla markaana uu arkay xaaladda uu marayo Guddiga oo dhexdooda khilaaf uu soo kala dhexgalay uu kala diray Guddigga.

Xoghayaha Guddigii Maaliyada ee la kala diray xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa saxaafadda u sheegay in guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh uu ka hor jeedo go’aanka lagu kala diray guddigooda, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan.

Gudoomiye Mursal ayaan weli ka hadlin arrintan balse Xubno ku dhow Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Muudey ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadda ku sugan dalka Turkiga uu si buuxda ula socdo tallaabada lagu kala diray Guddiga, isla markaana uu taageersan yahay.

Kala dirista Guddigan ayaa waxaa ka hor yimid xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka ku ah dowladda, wuxuuna uga sii daray xaaladii ka dhalatay Warbixintii Guddigaasi  ay soo saareen ee muranka badan dhalisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo mar kale Weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar 

Cabdi Cade

Ciidanka xoogga oo soo bandhigay hub ay ka qabsadeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayre oo tababar u furay Ciidamadii Galmudug ee dhowaan la qaramaeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---