Madaxweyne Donald Trump oo mar kale Weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo wada ololihiisa doorashada ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday gabadha asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska Mareykanka .

Donald Trump ayaa Ilhan Cumar oo katirsan Xisbiga Dimuquraadiga ku tilmaamay qof musuq maasuq badan, waxa uuna tilmaamay in warbixinada gaarka ah ee Ilhan Cumar la socday mudo labo sano ah.

“Maxaa ka khaldan Ilhaan Cumar? waxaan rajeynayaa in hawshan uu soo faragelin doono Xeer ilaaliyaha guud, Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo labo sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo? Waa maxay waxa ay samaysay qofkii ay reer Minnesota doorteen, maxaa baas ee idin ka khaldan dadyahow” ayuu yiri Trump.

Weerarkan uu Madaxweyne Trump ku qaaday Ilhan Cumar ayaa kusoo aadaya xili uu maanta Trump olole doorasho u tagayo gobolka laga soo doorto Ilhan Cumar ee Minnisota ,waxa uuna Madaxweynaha marar badan weerar afka ah ku qaaday Ilhan oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadiisa.

 

- Advertisement -