Koox si Been abuur ah ugu Dhawaaqday In Ciyaartoy kooxdeeda kamid ah uu dhintay iyo Daqiiqad Loo Aamusay

Kooxda Reer Republic of Ireland ee Ballybrack FC ayaa war  been ah shaacisay iyada oo si lama filaan ah raali galin uga bixisay in ay been ka sheegtay in ciyaartoy kooxdeeda ahi uu geeriyooday, waxayna taasi keentay in kulankii ay la ciyaari lahayd sabtidii kooxda Arklow Town in la baajiyay ama la kansalay isla markaana daqiiqad aamusni ah lagu xusay ciyaartoy ka la sheegay in uu geeriyooday.

Kooxda Ballybrack FC oo ka dhisan magaaldaa Dublin ee dalka Jamhuuriyada Ireland ayaa hore u shaacisay in uu dhintay ciyaartoyga Fernando Nuno La-Fuente waxayna maamulka horyaalka Ireland iyo kooxdii ay la ciyaarayeen ee Arklow Town ku war galiyeen in xidigahani uu shil gaadhi ku dhintay.

Waxayna taasi keentay in maamulka horyaalka Ireland uu go’aan ku gaadhay kulankii sabtidii dhex mari lahaa kooxaha Ballybrack FC iyo Arklow Town la baajiyay halka kulamadii kale ee la ciyaaray min hal daqiiqo loo aamusay ciyaartoyga la sheegay in uu shilka gaadhi ku dhibtay.

Laakiin waxaa layaab iyo lama filaan noqotay markii uu soo baxay war sheegay in Fernando Nuno La-Fuente uu nool yahay oo uu waliba joogo dalkiisa Spain taas oo keentay in maamulka horyaalka Jamhuuriyada Ireland uu baadhitaan bilaabay.

Maamulka horyaalka Ireland ayaa hore warbaahinta uga shaaciyay in geeri naxdin lihi ay dhacday waxayna tacsi u direen qoyska xidiga la sheegay in uu geeriyooday balse la ogaaday in laga been abuuray laakiin waxaa lama filaan iyo amakaag noqday markii maamulka horyaalkan lagu war galiyay in Fernando Nuno La-Fuente uu nool yahay

Kooxda Ballybrack FC ayaa raali galin ka bixisay warka been abuurka ah ee ay shaacisay waxayna sheegtay in shaqsigii ka danbeeyay ee warkan keenay laga caydhiyay kooxda isla markaana laga mamnuucay wax walba oo kubbada cagta la xidhiidha.

Kooxda BallyBrack FC ayaa sidoo kale sheegay in ay xidhiidh la sameeyeen xidiga ay markii hore shaaciyeen in uu dhintay ee Fernando Nuno La-Fuente waxayna cadeeyeen in uu ka aqbalay raali galinta iyo warka aan la hubsan ee looga been abuurtay.

Kooxda waji gabaxa beenta ah la kulantay ee Ballybrack FC  ayaa war saxaafadeed dheer oo ay soo saareen ku sharaxay qaabka ayna hubsiimadu ku jirin ee ay u shaaciyeen war been abuur ah waxayna qirteen in uu ahaa qalad aan la aqbali karin oo ay sameeyeen.

Waxayna kooxda Ballybrack FC  war saxaafadeedkan ku sheegtay in waxa kaliya ee ay hadda samayn karaan uu yaha in ay si buuxda raali galin uga bixiyaan ciyaartoyga nool ee ay geeridiisa shaaciyeen ee min hal daqiiqo loo aamusay kulamadii Ireland isaga oo nool oo Spain jooga.

W/Q Mohamoud Batalaale

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -