Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday nin Wiil ajnabi ah ku garaacay Garawe

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa ugu garaacay wiil aad u yar oo kasoo jeeda dalka Yemen.

Muuqaalka ninkan oo wiilka yar ul xooggan ku garaacaya ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana ninkan si deg deg ah usoo xiray laamaha ammaanka magaalada Garowe, oo usii gudbiyay laamaha caddaalada si loogu qaado kiiska dambiga uu galay.

Maxkamada Darajada 1aad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta afar sanno oo xabsi ah iyo sannad uusan ka shaqeyn karin goobaha dadweynaha ku xukuntay Cabdifitaax Cabdinuur Faarax , oo ah ninka odayga ah ee lagu helay kiiska dambiga.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay tallaabada deg degga ah ee laamaha ammaanka ka qaadeen ninkan cunuga yar garaacay isaga oo xirnaa dareeska ciidanka, waxa ayna booliiska Puntland xqiijiyeen in uusan ninkan aheyn askari , balse sharcidarro u xirtay darees ciidan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Somaliland oo ka carootay talaabo uu qaaday gudoonka Golaha shacabka Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Garoowe ku qaabilay danjire Mohamed Ibrahim Nasar (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in la xiray Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliista Hawada Soomaaliya ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---