Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo dagaalka Al Shabaab kala hadlay Alper Aktas

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) , ayaa wadahadal dhinaca telfoonka ah la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Alper Aktas.

Ugu horeyn Safiirka ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabeelle adkeysiga dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaam.

Sidoo kale safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka  looga soo horjeedo argagaxisada , isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka dabar-goynta kooxda Al Shabaab.

Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow, waxa uuna taageero iyo garab istaag u muujiyay ciidanka Hirshabelle iyo kuwa xoogga dalka ee dagaalka kula jira kooxaha hubeysan.

“Farriinta Dowladda Turkiga oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya waxa ay dhiirogelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka Hirshabeelle.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe,

Gunaanadkii, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiyo Soomaaliya wada haddalka khadka telefoonka ee uu lasoo sameeyay.

Related posts

Xildhibaano badan oo kusoo laabtay Muqdisho iyo olole xoogan oo caawa socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Jair Bolsonaro oo laga mamnuucay inuu mar kale u tartamo xafiiska

Caydiid Ali

Meydadka saddex ka mid ah la heystayaashii Israa’iil oo laga helay Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---