(Akhriso) Afar nooc doorasho oo lagaga doodayo wejiga 3aad ee Shirka Dhuusamareeb

Guddiga isku dhafka ah ee ka baaraandegga doorashada Qaranka ayaa ku soo bandhigay magaalada Dhuusamareeb noocyo doorasho oo afar ah.

Waxaa ku jira labadii nooc ee ay horey guddiga doorashoyinka qaran u soo bandhigeen, waxaana afarta nooc ee la soo bandhigay ay kala yihiin:-

1) Doorasho dadban balse la badiyey tirada cod-bixiyeyaasha oo la gaarsiinayo ilaa 101 qof, taasoo ay ergada soo wada xulayaan oday dhaqameedyo iyo bulshada rayidku, taasoo qabsoomi kartaa ka hor Febraayo 2021-ka.

2) Tan 2-aad waa doorasho barxan oo isugu jirta mid toos ah (qof iyo cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar loo asteeyey. Waxaana midan codaynaya dad ka badan 1,000,000 (Hal milyan oo qof), waxaana lagu soo dhameyn karaa ilaa Luulyo 2021-ka.

3) Doorashada 3-aad waa qof iyo cod balse waxaa loo codeynayaa qaab digital ah, waxaana ka qayb qaadanaya tiro gaaraysa ilaa 3 milyan oo qofood, iyadoo muddo 13 bilood ah diyaarinteeda ay qaadaneyso.

4-Nooca afaraad waa qof iyo cod balse waxaa la doonayaa inay is diiwaan gelinta iyo codeyntuba  dhacaan hal maalin, waxaa ka qayb qaadanaya 3-4 milyan oo qofood oo codkooda dhiibanaya. Waxay qaadan kartaa 9-12 bilood in la diyaariyo.

Weli ma jirto nooc illaa hadda la isku raacsan yahay, waxaana magaalada Dhuusamareeb ka socda doodo ku saabsan nooca ku haboon xiligan ee la qaadanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -