Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo tallaabo dhiirogelin iyo garab istaag ah sameeyay (Sawirro)

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: “๐—ช๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ด๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ฒ๐˜†๐˜€๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—พ๐—ผ๐—ณ๐—ธ๐—ถ๐—ถ ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜† ๐—ฑ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ท๐˜๐˜‚”

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa booqday dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah , kuwaas oo lagu baxnaaninayo Isbitaalada xoogga dalka iyo Erdogan (Ex Digfeer).

Raโ€™iisul Wasaaraha, oo mid mid u booqday, una kor istaagay qaar kamid ah ciidamada difaaca Qaranka u dhaawacmay, ayaa ka xogwareystay xaaladdooda caafimaad, isaga oo Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad deg-deg ah oo ay kaga soo kabtaan dhaawaca soo gaaray, wuxuuna ku dhiirrigeliyay adkeysiga iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

โ€œWaxaa guuleystay qofkii dila Khawaarijta ama ay dilaan, sida uu Rasuullku sheegay waa qolo diinta si khaldan u fahmay, waxaan rabnaa in ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay helaan isbitaallo casri ah oo lagu baxnaaniyo maadama uu dalkeennu dagaal adag kula jiro kooxo kasoo horjeeda nabadda iyo xasilloonida dhowaanna dalkiina iyo dadkiinna oo nabad ah ayaa idiin abaalgudi doonaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mar walba garab u tahay halyeeyada naftooda u huraya diinta, dadka iyo dalkooda, si ay uga u ciribtiraan argagixisada u taaggan daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo isku dayaya in uu badbaadiyo Tiktok

Cabdi Cade

Daawo Sawirada : Masjid la tilmaamay in uu yahay kan ugu yar Caalamka !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---