Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo la kulmay guddi howl muhiim ah loo xil saaray

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa kulan la qaatay guddiga u xil saaran maareynta iyo dib-u-hagaajinta biyo-qabadyada iyo biyo-mareenada caasimadda, si loogu diyaar garowbo xilli roobaadka soo socda.

Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa ka warbixiyay howlaha u qabsoomay guddiga oo ay ugu horreyso faaro-bixinta biyo-qabadyada iyo sifeynta qaar ka mid ah biyo-mareenada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray guddiga in ay dar-dargeliyaan qorshaha loogu diyaar garowbayo xilli roobaadka soo socda, si loogu hortago culeesyada iyo saameynta ka dhasha roobka.

Magaalada Muqdisho ayaa dhibaato badan ku qabta xilli roobaadka, waxaana magaalada waddooyinkeeda fadhiista biyo badan , kuwaa oo sababa in ay xirmaan waddooyin muhiim ah, mana lahan magaalada meelo biyo-mareeno ah oo qaada biyaha roobka.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka xoogga iyo kuwa Caalami ah oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyay Jilib Marka

Cabdi Cade

Talo ku socota Beesha Cadaado ee ka careesan Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Sacuudiga iyo xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---