Allbanaadir.com
NEWS

Bannaan bixii ugu weynaa ee looga soo horjeedo Benjamin Natanyahu oo ka dhacay Qudus

Tobnaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa ka qeybgalay bannaanbax Axaddii ka dhacay magaalada Qudus, dibadbaxaas oo noqday kii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xukuumadda Benjamin Natanyahu, tan iyo marki ay Israil duullaanka ku qaaday Gaza bishii October.

Dibadbaxyaasha ayaa ku boorriyay dowladda in ay aqbasho xabad-joojin si loo soo daayo Israa’iiliyinta Gaza ugu afduuban Xamaas, iyo sidoo kale in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hor mariyay.

Qoysaska la heystayaasha ayaa rumeysan in waqtiga uu kasii dhamaanayo isla markaana aysan la dhacsaneyn siyaasadda Netanyahu.

Dibadbaxyaasha ayaa ku eedeeyay Netanyahu in uu ku fashilmay weerarki 7-badi October, isla markaana muranki ka dhashay isku daygiisii waxkabaddalka garsoorka ay wiiqday Isra’il ka hor weerarka. Qaar kale ayaa ku eedeynaya inuu dhaawacayo xiriirka isbaheysiga ugu weyn Isra’il oo ah Mareykanka.

Israel ayaa duullaan cirka, dhulka, iyo badda ahba ku qaadday Gaza, kaddib marki ay 7-badi October ee sannadki hore ay Xamaas weerartay koofurta Israil, halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 isla markaana kasoo afduubatay ilaa 250 Isra’iliyiin ah.

Ra’isulwasaare Benjamin Netanyahu, ayaa wacad ku maray inuu cagta mari doono Xamaas, kaddibna soo guryo naqi doono dadka laga afduubtay.

Hase yeeshee, Xamaas ayaa sheegtay in qaar ka mid ah la heystayaasha ay ku dhinteen madaafiicda Israil ay ku garaaceyso Gaza, halka tobneeyo kalana dhamaadki sannadki hore lagu sii daayay wadahadallo iyo maxaabiis la is weydaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada gobolada Woqooyi oo sheegay inaanu metelin Cabdi Xaashi (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Caruur & dad kale oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

Caydiid Ali

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Adis Ababa iyo xaalada oo kasii dareysa

Cabdi Cade