Wasiir Beyle oo ka qeyb galay xuska Maalinta caalamiga ah ee Furdooyinka (Sawirro)

Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Furdooyinka (International  Customs Day) ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somalia iyo xubno kala duwan ayaa ka qeyb galay Munaasabaddan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay.

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumada Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo munaasabaaas khudbad ka jeediyey ayaa ka waramay doorka muhiimka ah ee furdooyinka ku leeyihiin kobcinta dakhliga gudaha iyo sida loogu baahan yahay in loo horumariyo.

“Maalinta Caalamiga ah ee Furdooyinku waa fursad lagu qiimeeyo dadaalladeena dib-u-habaynta dhaqaalaha ee hubinta daah-furnaanta, hufnaanta iyo isla xisaabtanka hawlaha Dakhli uruurinta” ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka ayaa dhinaca kale u mahad celiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo iyagoo duruufo adag ku jira canshuurta bixiya, isla markaana la shaqeeya Wasaarada iyo kastamka canshuuraha.

Agaasimaha guud dakhliga ee Wasaarada Maaliyada Jacfar Axmed Maxamed, Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha G/sare C/llaahi Xassan Bariise iyo Maareeyaha Dekeda Muqdisho Axmed Washington oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa ku dheeraaday marxalidihii ay soo mareen Furdooyinka dalka, qaabka ay hadda u shaqeeyaan iyo caqabadaha jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -