Allbanaadir.com
NEWS

Guddi uu Adan Madoobe Magacaabay oo baaritaan bilaabay

Guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray xasaanadda & xanibaada lagu sameeyey safarada Xildhibaanada ayaa maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa

Waxaana shir gudoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame.

Ugu horeyn guddoomiyaha guddiga ayaa xubnaha kale ee guddiga u soo jeediyay in xoghayaha guddiga laga dhigo Xildhibaan Ilyees Sheekh Axmed Ibraahim, taas oo xubnaha guddiga ay si wadajir ah u ogolaadeen.

Guddoomiyaha guddiga ayaa sidoo kale faahfaahin kabixiyay howlaha hortabinta u leh guddiga asiga oo xubnaha guddiga usheegay in looga fadhiyo warbixin dhameeystiran in ay ka keenaan cabashooyinka xildhibaanada iyadoo laga eegayo doodii Golaha shacabka ay arintaasi ka yeesheen kulamadii labaad iyo sedaxaad ee kalfadhiga lixaad.

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa cabasho u gudbiyey gudoonka ka dib markii loo diiday iney ka dhoofaan Muqdisho iyagoo ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Waxaa xildhibaanada saameeyey xanibaad DF ku soo rogtay duulimaadyada magaalada Kismaayo ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay madaxda DF iyo Jubbaland kaasoo salka ku haya arrimaha doorashooyinka.

Related posts

Maxay tahay sababta ay xaaska Wasiir Jamaal weerar shaqsi ah ugu qaaday Yabarow?

Caydiid Ali

Taliye Indha-qarshe oo gaaray Kismaayo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nabadoon lagu dhax dilay Masjid kuyaala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---