Allbanaadir.com
NEWS

Halkee mareysaa sahminta Shidaalka xeebaha Somalia?

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday

Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay iney suurtagal tahay dabayaaqada sanadkan ama horaanta sanadka 2026 ay Soomaaliya markii ugu horeeysay ku dhawaaqdo inay shidaal soo saareyso.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in sahminta hadda ay ka socoto degaanada Mareeg iyo Xarardheere ayna u gudbi doonto xeebaha Degmada Hobyo ee Koonfurta Mudug, waxaana uu Wasiirka carabka ku dhuftay in bisha April ay soo gabagaboobeyso guud ahaan sahminta markabka Turkiga uu kawado biyaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan khubaro ka shaqeeya arrimaha soo saarka shidaalka Soomaaliya iyo isbadalada Cimilada iyo amaanka oo ay Wasaaraddu diyaarisay si ay ula falgalaan.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa xusay inay jireen caqabado ka horyimid sahminta shidaalka oo ay ugu weyn tahay maraakiibta sida sharci darada uga jilaabta biyaha Soomaaliya kuwaasoo shabaqyadooda caqabad ku noqday qalabka sahminta sameynaya.

Markabka bilaabaya shidaal Qodista ayaa ku sugan Badda Madow kaliya sugaya in sahminta ay soo dhamaato kadib ayuu usoo jiheeysan doonaa dhinaca Soomaaliya.

 

Related posts

Hogaamiyaha Ahlu Sunna oo la geeyay Madaxtooyada Galmudug lana kulmay Qoor Qoor

Cabdi Cade

Abaabul ka socda Villa Somalia iyo Farmaajo & Fahad oo qorshe cusub bilaabay

Caydiid Ali

Farmaajo oo War ka soo saaray doorashada xubnaha Aqalka sare ee maanta la soo afjaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---