Al Shabaab oo nolosha ku qabatay askar katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

Dagaalyahanno aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus waxa ay ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ,gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda oo ku yaalla deegaanka Buulamareer ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa ayna Al Shabaab gudaha u galeen xeradii ay lahaayeen ciidamada Uganda ka socda.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu baahiyay sawirrada askar katirsan ciidamada Uganda u dhashay oo Al Shabaab nolosha ku qabteen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab soo bandhigeen meydadka askar katirsan ciidamada ATMIS.

Al Shabaab ma shaacin tirada rasmiga ah askarta katirsan ciidamada ATMIS ay qabteen, waxa ayna kaliya soo bandhigeen dhowr sawir ay ka muuqdaan askar ay gacamhaa ka xireen noloshana ku hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -