Allbanaadir.com
NEWS

Cunaqabateyn saaran Al Shabaab oo mar kale la kordhinayo

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo galinka dambe maanta oo Isniin ah kulan yeelanaya, ayaa lagu wadaa in ay kordhiyaan cunaqabateynta saaran kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta qeybo kamid ah dalkeenna Soomaaliya.

Kulanka ay yeelanayaan Golaha Ammaanka ayaana la filayaan in ay ugu codeeyaan qaraar qabyo ah oo lagu kordhinayo muddada cunaqabateynta la saaray kooxda Al-Shabaab, iyadoona mudadii hore ay hadda gebogabo ku dhawdahay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale u codeenaya in mar kale la cusbooneysiiyo howlgalka guddiga khubarada (PoE), kuwaas oo iyana ka  caawiya guddiga loo xil saaray cunaqabateynta Al-Shabaab.

Qaraarkan la doonayo in Al Shabaab cunaqabateynta saaran lagu kordhiyo waxaa soo diyaarisay dowladda Ingiriiska. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale maanta  cusbooneeysiin doonaa howlgalka ilaalada xeebaha, gaar ahaanna soo dejinta hubka sharci darrada, dhoofinta dhuxusha, iyo manuucidda walxaha qarxa.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo go’aamisay baaritaan ka dhan ah Trump

Caydiid Ali

Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---