Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo xaflad soo dhaweyn ah xalay loo sameeyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay  kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku sugan yahay xiligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo u kuur galay sida ay u shaqeyso xarunta Dad dhigista (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed-baxyo looga horjeedo dilkii George Floyd oo ka socda Minneapolis

Caydiid Ali

Turkiga oo War ka soo saaray khilaafka dhinacyada Siyaasada Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---