(Daawo Sawirro) Biriq dad ku dhaawacday agagaarka Aqalka cad ee Mareykanka

Ugu yaraan afar qof ayey dhaawacyo halis ah ka soo gaareen biriq ku dhacday meel u dow Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka xili ay halkaas ka da’ayeen roobab lixaad leh.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska, Dadka dhaawacmay oo kala ah labo nin iyo labo dumar ah ayaa xilliga ay biriqda ku dhacday ku sugnaa goobta lagu nasto ee Lafayette oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Washington

Waxaa markiiba ku orday goobtaas xubno ka tirsan ciidanka sirdoonka ee ilaalada u ah madaxweynaha Maadaama goobta ay musiibadu ka dhacday ay aad ugu dhow dahay Aqalka Cad ee uu fariisto madaxweynaha Mareykanka.

Waxay ka mid noqdeen dadkii ugu horreeyay ee caawiyay afarta ruux ee dhaawaca halista ah uu soo gaaray.

“Dhammaan afartooduba waxay qabaan dhaawacyo khatar gelinaya noloshooda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda dab demiska ee magaalada Washington DC.

Waaxda Qaran ee Cimilada Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii soo saartay digniin ku saabsan roob wata biriq iyo gugac ku soo wajahan magaalada Washington iyo nawaaxigeeda.

 

- Advertisement -