Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo soo saartay amar cusub xilli ay dagaal kula jirto Daacish

#GAROWE: Amar ka soo baxay wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland ayaa lagu faray dhammaan muwaadiniinta in ay magacyadooda ku qortaan gaadiidkooda sababo la xiriira in ay Puntland ku jirto xaalad dagaal.

“Maadaama xaalado dagaal wadanku ku jiro, Muwaadin kasta waxaa la farayaa inuu isku qoro mulkiyada Gaariigiisa, laga bilaabo taariikhdu markay tahay February 23, 2025” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland.

“Hadaba, habraaca iyo shuruudaha laga rabo muwaadinka magaca gaariga bedelanaya waxa lagarabaa inuu tago xafiisyada waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Dawladda Puntland” ayuu sii raaciyay go’aanka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka.

Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadayso in muwaadinkii aan magaciisa ku qoran baabuurka uu wato sida uu farayo go’aanka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka.

.

Related posts

Puntland oo si adag u beenisay hadal ka soo yeeray dowlada Somalia

Caydiid Ali

Agaasime Koofi iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay shan qodob oo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaalo khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Marko

Caydiid Ali
Taboola Ads ---