Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Amiir oo ka farxiyey Qoyska wiil yar oo la ildaran..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiiska ku qaabilay Cadnaan Maxamed Cali oo ah wiil 9-jir lana dhibaatoonaya xanuun ka haleelay Wadnaha, kaas oo wadanka gudihiisa wax looga qaban waayay sida ay sheegtay hooyo  Ruqiyo Maxamed Cali.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed Ahna Guddoomiyaha Daryeel Bulsho Maxamed Cali Siyaad, oo sheegay inuu ka war haayay xaalada Cadnaan oo kasoo jeeda qoys danyar oo aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka ku baxaaya  caafimaadkiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa balanqaaday inuu garab istaagi doono xaalada caafimaad ee Cadnaan Maxamed Cali,  islamarkaana uu si dhow uga war heyn doono mudada lala tacalaayo xaaladiisa, maadaama dhawaan loo qaadi doono caafimaad dibada ah.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed ee ilaahey wax siiyay inay ilgaar ah ku fiiriyaan dadka danta yar ee daruufaha la nool.

Related posts

Ganacsade Kaamiro CCTV darteed loogu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Milateriga Sudan oo digniin adag siiyey dadka weli dibed-baxyada dhigaya

Caydiid Ali

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Antonio Guteres oo booqasho ku imanaya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---