Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo isaga oo faraxsan u mahadceliyay dowladda Imaaraadka

Madaxweyaha maamulka Somalilnad mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi cirro ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay  taageerada joogtada ah ee ay dawladda Imaaraadka carabtu la barbar taagan tahay Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro , ayaa hoosta ka xarriiqay inuu ku talo jiro inuu sii kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacayada dhaqaalaha iyo horumarka kala duwan ee kala dhaxeeya maamulkiisa  dowladda Imaaraadka Carabta

Madaxweyne cirro ayaa  bogaadiyay doorka muhiimka ah ee maalgashiga Imaaraadka, gaar ahaan DP world oo door xooggan ka qaadatay xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo dekedda Berberina isku bedeshay xarun ganacsi oo Istaraatiji ah oo Somaliland ku xidhaysa dalalka dariska ah.

Madaxweynaha ayaa maalgashiga DP world ee dekedda Berbera ku macneeyay inuu dhaafsiisan yahay horumarka dekedda oo kaliya isla markaana uu gaadhay in la sameeyo Berbera Freezone ama aagga xorta ah ee ganacsiga iyo waliba waddo ganacsiyeedka Berbera ku xidhaysa Itoobiya, kuwaasoo kor u qaaday xidhiidhka dhaqaale ee u dhexeeya Somaliland iyo dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay, oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 134 milyan oo qof .

Geesta kale madaxweyne cirro ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Imaaraadka in Somaliland haddii loo maalgaliyo khayraadka xoolaha nool ay dalalka Khaliijka iyo guud ahaan gobolkaba u dhoofin karto hilibka, iyada oo xoolaha Somaliland jooga lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 40 illa a50 milyan isla markaana ay sannad walba xilliga xajka u dhoofisaa Sucuudiga ku dhawaad 4 milyan oo neef.

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Habbad Ali Abdulle oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel !!

admin

Netanyahu oo amray in la weeraro magaalada Rafax xilli looga digayo Weerarkaasi

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay dhigiisa Itoobiya Gen. Birhanu Julla (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---