Xildhibaan Habbad Ali Abdulle oo war kasoo saaray dagaalka Guriceel !!

Xildhibaan Habbad Ali Abdulle ayaa ka hadlay dagaalka Maanta ka qarxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galdaduud ee u dhaxeeyo ciidamada maamulkaas iyo kuwa Ahlu Sunna.

“Maanta waa maalin u adag dadka Galmudug, gaar ahaan dadka Guriceel, waa maalin ku adag ciidamada dagaalamayo, runtii waan ka tacsiyeynayaa dhibaatada ka dhalatay dagaalkii micndarada ahaa ee lagu qaaday Guriceel,” ayuu yiri.

Mudane Habbad ayaa xusay in mas’uuliyadda dagaalka iyo dhibaatada ka dhalata ay qaadayaan kuwa uu sheegay inay ciidamo kasoo daabuleen Muqdisho, islamarkaana mooday in dagaalku xal yahay.

Xildhibaan Habbad Ali Abdulle

“Mar kale waxaan ka xumahay waxa Guriceel ka socda oo burbur iyo dhimasho ah, dhaawac iyo barakacin ah, colaad iyo mahadho ah, muuqaalka laga soo duubayo Magaalada waa midka aan ka digayey laakin ay doorteen kuwa dagaalka danta mooday ee ciidamada Muqdisho ka daabuley! Caqligu ha shaqeeyo oo dagaalka hala joojiyo, wadahadalna arrinta halagu dayo ayadoo loo turayo dhiigga dadka reer Galmudug iyo shacabka guryahooda uga barakacay cabsi ay ka qabeen waxa maantay dhacay oo kale,” ayuu yiri.

Dhanka kale Xildhibaan Habbad Ali Abdulle ayaa sheegay inay jiraan dad kasoo jeedo deegaanada maamulka Galmudug oo uu caqligoodu fooraro islamarkaana ay dhibeyso in lagu baaqo nabad.

“Waxaan arkeynay sawirada guryo iyo shacab ah oo lala dhacay hoobiyaal, labada dhinac ee dagaalamayo waa dad ehel ah oo qaraabo ah, maalintii aan waxaan ka digayey waa la ila yaabayey, waxaa jiro dad kasoo jeedo Galmudug oo qalbigooda uu foorarsamay oo dhibsanayo in nabad lagu baaqo,” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in ciidamada lagu weeraray magaalada Guriceel loo baahnaa in la geeyo geegaanada ay Al-Shabaab go’doomiyeen oo ay u diideen in la gaarsiiyo raashin.

“Dadka joogo Guriceel cadow maahan, waa la yaqaan cadowga iyo meesha uu joogo waa Al-Shabaab, waa la ogyahay inta ay u jiraan magaalada Guriceel, ciddii dhibsaneyso ha dhibsato, mar kale ayaan leeyahay xabadda hala joojiyo, ciidamada lagu daabulay Guriceel waxaa looga baahan yahay Waajid iyo gobolada kale oo ay Al-Shabaab go’doomiyeen,” ayuu yiri Xildhibaan Habbad Ali Abdulle .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -