Allbanaadir.com
NEWS

Xubno ka tirsan kooxda Daacish oo lagu qabqabtay Boosaaso

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidamada Ammaanka ka sameeyeen Boosaaso lagu qabtay 7 qof oo ay ku jiraaan xubno horay loogu raadjoogay oo xogtooda la hayay.

“Hawlgaladii Ciidanka Amnigu caawa sameeyeen, waxa lagu qabtay ugu yaraan 7 qof oo ay ku jiraan xubno hore loogu raad joogay oo xogtooda la hayey” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay Puntland.

Ciidamada Ammaanka Boosaaso oo kaashanaya shacabka magaalada ayaa tan iyo bilowgii dagaalka Calmiskaad waxay fashiliyeen falal amni daro oo ay kooxda ISIS ka abaabulaysay Boosaaso.

Dhinaca kale, Taliska Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in magaalada Boosaaso lagu qabtay nin u dhashay dalka Marooko oo ka mid ah firxadka Daacish ee ka soo baxsaday buuraha Calmiskaad.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ISIS ayaa lagu sheegay in shacabka Boosaaso gacanta ku dhigeen nin u dhashay dalka Marooko oo ka tirsanaa Daacish isla markaana ka soo firxaday kaddib markii lagu jebiyay dagaalkii buuraha Calmiskaad.

Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa tilmaamay in ciidamada Ammaanka Boosaaso hadda gacanta ku hayaan oo ay su’aalo weydiinayaan ninkaasi oo qirtay in uu ka tirsanaa ISIS balse uu ka soo firxaday dagaalkii dhacay.

Related posts

Mareykanka iyo Britain oo diiday in ay bixiyaan Lacago Doorashada lagu socod siin lahaa

Cabdi Cade

Turkiga oo Hanjabaad culus soo saaray kadib Markab iyo Shaqaale laga qabsaday

Cabdi Cade

Natiijo hordhac ah oo laga soo saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Caydiid Ali
Taboola Ads ---