Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo Shir muhiim ah ka qeyb gashay Addis ababa (Sawirro)

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Ali Haji Adam ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka EThiopia kaga qayb galay Madasha Sanadlaha ee Wasiirada Caafimaadka Afrika, oo qayb ka ah Shir Madaxeedka Afrika.

Wasiirku wuxuu ka mid yahay in ka badan 30 wasiir caafimaad oo ka qayb galaya barnaamijkan.

Madashan oo ah mid sanadle ah waxay u oggolaanaysaa Wasiirada Caafimaadka dalalka Afrika inay isugu yimaadaan si ay diiradda u saaraan horumarinta Caafimaadka qaaradda, sanadkan xoogga waxaa la saaray adkaynta nidaamka caafimaadka iyadoo laga faa’ideysanayo balanqaadyada siyaasadeed, Wasiirka ayaa muujiyay muhiimada ay hoggaaminta Caafimaadka u leedahay bulshada Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, wasiirka ayaa Kulamo doceed la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Caafimaadka Afrika ee ka qayb galay madasha iyo madaxda Hay’adda Africa CDC, oo kulankan sanadlaha ah qabanaya.

Caafimaadka Soomaaliya ayaa si macno leh uga muuqda madalaha Caafimaad ee caalamka, iyadoo wasiirku xoogga saaray horumarinta ajandayaasha caafimaadka ee Soomaaliya, iyadoo la kaashanayo saaxiibada caafimaadka.

Related posts

Maamulka K/Galbeed oo go’aan ka gaaray xisbiyada siyaasadeed ee dalka (Akhriso)

Caydiid Ali

Gaari ay leeyihiin ciidanka Koofiyo casta oo saakay dad ku jiiray Laamiga Maka Al Mukarama

Cabdi Cade

Howlgal uu horkacayey Cumar Filish oo caawa laga bilaabaay degmada Kaaraan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---