Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo warbixin muhiim ah ka dhageestay Hydra Nova iyo xubno kale

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Hey’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Madaxda xafiiska Bangiga Aduunka (World Bank) u qaabilsan Mashruuca Nagaad ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha Muqdisho.

Hey’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Agaasinka Guud ee Howlaha Guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku aadan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa Biya-mareenada Magaalada Muqdisho, dhameystirka naqshada biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages) oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystiraayo iyo qorshaha lagu dhisaayo waddooyin cusub oo laami ah oo iyaduna bartamaha bisha February la saxiixayo heshiiskeeda dhismo.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisaayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka soo wajaha Magaalada Muqdisho xilli roobaadka.

Waxa uuna guddoomiyaha gobolka Banaadir faray Madaxda Howlaha Guud iyo Hey’addaha in sida ugu dhaw loo bilaabo dhisamaha biyo mareennada Magaalada Muqdisho, si looga hortago saameynta roobabka la filayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo shaaciyey inuu dacwad ku soo oogayo dowlada Britain

Caydiid Ali

Turkiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israel ka wado Siiriya

Caydiid Ali

Go’aano adag oo goordhaw kasoo baxay Baarlamaanka Maamulka Puntland (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---