Allbanaadir.com
NEWS

Meydad badan oo laga soo saaray wabigii ay ku dhaceen diyaaradihii isku dhacay

Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay diyaaradihii rakaabka iyo tii Helicopterka ee iskula dhacay hawada magaalada Washigton ee dalka Mareykanka ayaa sii kordhaya, waxaana wali socda baadigoobka dadkii diyaarada saarnaa.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in wabiga ay ku dhaceen labada diyaaradood ee isku dhacay laga soo saaray meydadka 19-qof, waxaana wali socda baadigoob loogu jiro dad nool iyo meydad horleh oo laga raadinayo gudaha wabiga.

Labada diyaaradood oo isku dhacay oo kala ah mid nuuca rakaabka ah oo wadday ilaa 64 qof  oo isugu jiray rakaab iyo shaqaalaha diyaarada iyo diyaarada Helicopter ah oo lahaayeen ciidamada Mareykanka oo siday saddex askari .

Ciidamada Mareyaknka gaar ahaan kuwa samatabixinta , ayaa baadigoob xooggan kawada wabiga  Potamac oo ay ku dhex dhaceen labada diyaaradood ee isku dhacay, waxaana loo badinayaa dadkii saarnaa diyaaradaha shilka galay intooda badan in ay dhinteen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Cabdi Xaashi oo qoraal xasaasi ah u diray Madaxweyne Qoor-qoor

Caydiid Ali

War culus: Soomaaliya oo loogu deeqay ku dhowaad hal bilyan oo dollar

Caydiid Ali

Hambalyo uu Muuse Biixi u diray Joe Biden oo fal-celin yaab leh la kulantay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---