Farmaajo oo hal ujeedo kaleh shirka uu ku baaqay ee ka dhacaya Dhuusomareeb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, shirkan ayuuna iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo in uu ka dhacayo magaalada Dhuusomareeb.

Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo ah Falanqeeye siyaasadeed ayaa ka hadlay sababta xiligan keenay shirkan uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay ee ka dhacaya Galmudug iyo ujeedka ka dambeeya .

Waxa uu sheegay Prof Samater in Beesha Caalamka soo jeedisay in shir isugu yimaadaan Muxaafidka iyo Mucaaradka balse Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday isaaga oo shirka u raray Dhuusomareeb si uu uga fogaado in shirka saameyn ku yeeshaan Mucaaradka.

“Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne Farmaajo in fadhi guud la isugu yeero Mucaarad & muxaafid ayuu ku dhawaaqay in Dhuusamareeb markale la isugu tago, balse haddii aan laga gudbin oo aan la xalaaleen Guddiyada uu sameystay, Xiisadda Gedo & hab maamulka Guddiga Gobollada Waqooyi wax wanaagsan kalama kulmi doono Baarlamaanka, arrintuna waa jugjug oo bartaada joog” ayuu yiri Prof Samater.

Waxa uu sidoo kale sheegay Cabdi Ismaaciil Samater kulanka uu isugu yeeray Madaxweyne Farmaajo Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ay ku xirnaan doonto natiijada kasoo baxda shirka Dhuusomareeb oo looga doodi doono caqabadaha hortaagan Doorashada.

Heshiiskii Dowlada Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada horey uga gaareen doorashada ayaan wali dhaqan gelin, waxaana wali khilaaf ka jiraa qabsoomida doorashada xili mudo xileedka Madaxweyne Farmaajo ka hasrasn tahay 9-maalin oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -