Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Pakistan oo Muqdisho lagu soo celiyay

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho loogu soo celin lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa magaalooyin kuyaala dalka Pakistan .

Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Pakistan ayaa sheegtay in 117-muwaadin oo Soomaali ah oo ku xayirnaa dalka Pakistan loo fududeeyay sidii ay dib ugu laaban lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Pakistaan Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa sheegtay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan arday dalkaasi waxbarasho u joogay kusoo celiyeen Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dalka kusoo celisay Soomaali badan oo ku xayirnaa dalal ay ku jiraan Turkiga iyo Kenya kuwaa oo saameyn ku yeeshay xayiraada dhiNaca socdaalka uu sababay cudurka Caronavirus.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh caan ka ahaa Somaliland oo la tuhmayo in uu baxsaday dhinaca Al Shabaab

Cabdi Cade

Xog ku aadan Qaabkii Jawaari iyo Ciidamadii uu watay ku galeen Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Kenya iyo Raila Odinga oo dardar lasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---