Allbanaadir.com
NEWS

Milateriga Israel oo dilay Sagaal Falastiiniyiin ah, 40 kalena dhaawacay

Milateriga Israiil ayaa billaabay duullaan ballaaran oo ay ku qaadeen Daanta Galbeed ee la heysto ee dhulka Falastiiniyiinta, gaar ahaanna magaalada Jenin

Illaa hadda waxaa lagu dilay duulaan 9 Falastiiniyiin ah halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo telefishinka Al Jazeera uu hadda ku warramayo inuu socdo iska horimaad toos ah oo u dhaxeeya kooxaha iska caabinta iyo ciidanka Israa’iilna.

Wareysi uu siiyay Aljazeera, hogaamiyaha Xamaas ee Daanta Galbeed ee la haysto, Zaher Jabarin, ayaa dhankiisa sheegay in kooxdu ay Daanta Galbeed ku jabin doonaan Netanyahu sidii ay horey uga adkaadeen marinka Qasa.

Wuxuu sheegay Netanyahu inuu dhinac walba dagaal uga furayo, sabab la xiriirta inuu sii joogo kursiga, wuxuu intaa ku daray;“.

“Shacabka Falastiin ayaa ku midoobay Qasa, waxaana ay awoodeen inay jebiyaan rabitaanka Israa’iil. Dadka reer Falastiin waxay leeyihiin rabitaan adag oo ay iskaga caabiyaan oo ay wax u huraan, mana haystaan ​​dookh kale oo aan ahayn inay dagaallamaan— Midnimada falastiiniyiinta waa dhagaxa ay ku burburi doonto gumeysiga Israa’iil Falastiiniyiintu way iska caabinayaan qabsashada xitaa haddii waxa inoo haray ay yihiin dhagaxyo.” ayuu yiri

Related posts

Daawo: DF oo ka hadashay Saraakiil la dilay, Puntland oo eedeysay Somaliland & Warar kale

Caydiid Ali

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xisbullah oo la soo baxday gantaalo cabsi ku abuuray Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---