Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka Muwaadiniin Kenyan ah oo ku dhintay Diyaaradii ku bur burtay Bardaale oo la geeyay…

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa la geeyay muwaadiniin Kenyan ah oo ku dhintay diyaaradii u kireesneyd shirkada Afrikan Airweys ee ku bur burtay magaalada Bardaale ee gobolka Baay .

Diyaaradan oo loo badinayo in lasoo riday ayaa laga lahaa dalka Kenya , waxa ayna diyaaradan agab gar gaar caafimaad ah oo loogu tala galay kahor taga cudurka Caronavirus u waday magaalada Bardaale.

Shilkan diyaaradeed waxaa ku dhintay lix qof oo isugu jiray Soomaali iyo Kenyan, waxaana socda hada baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay in diyaaradan soo dhacdo xili ay ka degi rabtay garoonka diyaaradaha Bardaale.

Ciidamada Itoobiya ee jooga Bardaale ayaa loo badinayaa in iyagu ka dambeeyeen in diyaaradaasi lasoo rido, mana jiro ilaa hada wax kasoo baxay baaritaanka socda ee lagu ogaanayo waxa sababay bur burka diyaaradan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad rasmi u diray Axmed Burhaan Maxamed

Caydiid Ali

Dooyow Osman Ali oo isku dhiibay ciidanka Booliska Somalia

Caydiid Ali

Maxkamada Gobolka Bay oo xukuntay nin kufsaday gabar yar oo 9 sano jir ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---