Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka dad ku dhaw 3,000 oo qof oo laga helay magaalada Goma

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ee Congo ayaa Arbacadi shalay sheegay, in ku dhawaad 3,000 oo qof lagu dilay dagaalki dhawaan ka dhacay magaalada Goma ee bariga dalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay fallaagada ay taageerto Rwanda ee M23 iyo ciidanka millatariga Congo. Waxana uu marki hore ka billowday hareeraha Goma oo ku taalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu.

Vivian van de Perre, ku xigeenka madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan aragga sheegtay, in xubnaha Qaramada Midoobay ee Goma ay si firfircoon uga caawinayaan M23, soo ururinta meydadka wali yaalla waddooyinka.

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda in ay tageero buuxdo siiso jabhadda M23 , hase yeeshee Rwanda ayaa ku gacan seyrtay arrintaasi.

Related posts

Somaliland oo jawaab adag ka bixisey talaabadii uu qaaday danjiraha Somalia ee Kenya

Caydiid Ali

Kacdoon shacab oo ka dhan ah Al Shabaab oo Muqdisho laga dhigayo iyo Abaabul socda

Cabdi Cade

Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay sumadeynta Waddooyinka Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---