Allbanaadir.com
NEWS

Abuu Mansuur oo saxiixay qoondada Soomaaliya sannadkan laga siiyay Xajka

Waxaa si rasmi ah ugu furmey Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, gaar ahaan Magaalada Jeddah Kulanweynaha Maxdarka Guud ee Sanadlaha ah, kaasoo socon doona muddo 3 maalmood ah, laguna saxiixayo qoondada Xujeyda ee sanad walba ay Dowladaha Islaamka loo qoondeeyo.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Robow Ali, ayaa ka qeyb galay furitaanka maxdarka, isagoo ugu dambeyntiiba saxiixay heshiiska qoondada Xujeyda ee Dalka Soomaaliya sanadka 2025/1446, taasoo ah 11, 500 Xaaji.

Kulankan sanadlaha ah ayaa ah mid muhiimad weyn u leh qorsheynta iyo fududeynta adeegyada Xujeyda, sidoo kale na la xoojinayo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Islaamka.

Inta uu socdo maxdarka, waxaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa horumarinta adeegyada iyo qorsheyaasha daryeelka Xujeyda, si loo hubiyo inay si habsami leh u gutaan waajibaadka Hajj-ka.

Related posts

Fadeexad soo wajahday Garsoore uu Trump u magacaabay Maxkamada sare

Caydiid Ali

(Sawirro) Jubbaland oo meel marisay xeer cusub ka dib shir ka dhacay Kismaayo

Caydiid Ali

Firdhiye oo warbixin siiyey Shirka u socda Golaha Wadatashiga Qaranka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---