Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo taageeray Istaraatiijiyada Turkiga ee Arrimaha dalka Suuriya

Ruushka wuxuu soo bandhigay inay taageersanyihiin istiraatijiyada Turkiga ee arrimaha Suuriya, kaddib markii maanta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov wax kasta oo ka dhacay Suuriya inay ku dhaceen taliskii la riday ee Bashaar Al-assad oo ka dhaga adeygay isbeddel siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Ruushka ,wuxuu tilmaamay inuu Ruushka ku cadaadinayay Madaxweyne Bishaar Al-assad  inuu u dhaqaaqo geeddi-socod siyaasadeed oo dhisaya nidaam ay oggolyihiin dadka Suuriya.

Lavrov, wuxuu caddeeyay; “Ka bixi mayno bariga dhexe, safaaradayaduna kama tegin Dimishiq… Waxaan la xiriirnaa maamulka cusub ee Suuriya maalin kasta. Nidaamka Suuriya ayaa sabab u ah wixii Suuriya ka dhacay in ka badan 10 sanno oo gaabis ah oo ku yimid geeddi-socodka siyaasadeed ee ku saabsan dastuurka… Ruushku waxa uu u arkay arrintan khalad weyn,waxana ay ku dadaaleen in ay cadaadis saaraan taliska Assad,laakin waxa ay ku adkaysteen in ay carqaladeeyaan dadaallada siyaasadeed.”

Toddobaadkii hore Iran ayaa ku eedeysay inuu Ruushka ku marin habaabiyay kacdoonkii xukunka looga riday Assad, markaa oo diyaaradaha Ruushka ay duqeeyeen dhul bannaan, halkii ay beegsan lahaayeen socodka ciidanka hadda xukunka la wareegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo War ka soo saartay xanibaada Mareykanku saaray xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga bixiyay Weerarkii Askari hore ka fuliyay Mareykanka

Cabdi Cade

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---