Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh & Abiy Ahmed oo heshiis cusub gaaray (Akhriso)

MW Soomaaliya Xassan Sheekh & RW Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku heshiiyey in si buuxda loo soo celiyo xariirkii diblumaasiyadeed ee Labada dal, sidaas oo kale la ixtiraamo heshiisyadii horey loo gaaray, oo la sii wado Heshiiskii Ankara oo Itoobiya u ogolaanayay hanaanka gaarida Badda Soomaaliya.

Labada dal ayaa isku raacay in layska kaashado amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha & Daganaanshaha gobolka, iyadoo madaxdu ay niyadsami muujinayaan.

Madaxweyne Xassan Sh & RW Abiy ayaa isku afgartay in niyadsami la muujiyo, laysna dhaafsado xogaha guddiyo farsamana la sameeyo oo heshiisyada rasmiga ah diyaariya, si meelmar looga dhigo damaca gaarida Itoobiya ee Badda Soomaaliya.

Socdaalka Madaxweynaha uu kyu tagay addis ababa ayaa ah kii u horreeyay oo rasmi ah, kadib baaqii Ankara ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib u bilaabay cilaaqaadkooda diblomaasiyadeed, kadib markii uu xiriirka labada dal xumaaday horaantii sanadkii 2024, xilligaasoo Itoobiya is-afgarad sharci darro ah oo markii dambe ay ka laabatay ay la gashay Maamulka Somaliland.

HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA OO ENGLISH KU QORAN

Related posts

Xaafad dadka kunool 50% yihiin Youtube-ley iyo Sababaha cajiibka ah ee ku kalifay!

Cabdi Cade

Ganacsato ku eedeysan iney dalka soo geliyeen waxyaabo qarxa oo Maxkamad la soo taagay

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo ka hadlay qorshaha hub ka dhigista Mucaaradka iyo doorasho…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---