Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo shir caalami ah kaga qeyb galay Kampala (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay shirka sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiyo doorka diblomaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.

 

Related posts

TPLF oo ka hor timid baaqii Raisul Wasaare Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Wasiir Carbeed oo shaqada laga joojiyay lana baarayo kaddib markii ay la kulantay Eli Cohen

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo war ka soo saaray qabashada Galcad iyo Xarardheere

Caydiid Ali
Taboola Ads ---