Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Xamse oo war ka soo saaray qabashada Galcad iyo Xarardheere

Raisul Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay talaabada ciidamada DF kula wareegeen degmooyinka Xarardheere iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labada degmo ayaa waxaa muddo ka badan 12 sano ka talinayey Al-Shabaab oo ugu dambeyn lagala wareegay maanta, iyadoo aysan wax dagaalo ah ka dhicin.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa ciidammada Qalabka sida iyo kuwa shacabka oo geesinimo iyo ka go’naanshiyo ay muujiyeen u sahashay in maanta degmo kale oo muhiim ah laga xoreeyo Khawaarijta ragaadisay horumarka dalkeenna iyo midnimada ummadeenna” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse  Cabdi Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay sababaha soo dedejiyey guulaha laga laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

“Dhiiranaanta shacabkeenna, Geesinimada ciidankeenna iyo ka go’naanshiyaha Madaxda Dowladda oo isbiirsaday waxay sahashay in cadowgii ummaddu kujabo muddo kooban, loogana qabsado dhul ballaaran. Sannadkaani waa midkii aan dalkeenna iyo dadkeenna kaga xoreyn lahayn Khawaarijta.” ayuu intaas ku daray RW Xamse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa sidee Rajada Farmaajo ka qabo soo Laabashada Hogaanka dowladda Soomaaliya?

Caydiid Ali

Washington oo shirkad Shiines ah ku eedeeysay iney taageerto..

Caydiid Ali

Puntland oo ka digtay in colaadaha beelaha loo soo raro Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---