Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay keyd sharci oo taariikhi ah

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo guddoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka keyd sharci oo taariikhi ah laga soo bilaabo 1950 ilaa 1989.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Pier Merio Decco Coppi.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada cadaaladda iyo xirfadaha sharciga ee labada dal, iyadoo la rajeynayo in wada-shaqeyntu ay sii xoogeysato oo la horumariyo dhinacyada sharciga.

Safiirka Talyaaniga ayaa wasiirka ku wareejiyay kayd casri ah oo taariikhi ah, kaas oo ka kooban sharciyada iyo wargeysyada rasmiga ah ee Soomaaliya laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟓𝟎 ilaa 𝟏𝟗𝟖𝟗, oo ay bixisay Jaamacadda Roma Tre.

Kaydkan casriga ah ayaa ah hanti qiimo leh oo ka tarjumeysa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, isagoo noqon doona ilo muhiim ah oo loogu talagalay horumarinta sharciga iyo xirfadaha sharciga ee Soomaaliya.

Kaydkan wuxuu si gaar ah uga tarjumayaa sida wada-shaqeynta labada dal ay muhiim u tahay horumarinta nidaamka sharciga iyo cadaaladda ee dalka.

Related posts

Weerar Gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhig Mareykanka ku leeyahay dalka…

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Wasiirada arrimaha dibeda ee Somalia iyo Kenya? (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Video: “Afgambigii 21 Octoobar 1969 kii ka dib muxuu kacaankii ku tilaabsaday..? (Xasuus)

admin
Taboola Ads ---