Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal Dhimasho geystay oo saaka ka dhacay xabsiga Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka la weeraray xabsiga weyn ee magaalada.

Maleeshiyaad hubaysan oo ka caraysan rag ka tirsan beeshooda oo dhawaan maxkamadda ciidanka Puntland xukuntay ayaa lagu soo warramayaa in ay weerareen xabsiga weyn ee Gaalkacyo.

sida ay wararku xaqiijinayaan ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen iska hor-imaad xooggan oo dhexmaray ciidanka Ilaalada xabsiga Gaalkacyo iyo maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xabsiga la weeraray ay ku jireen raggii maxkamadda ciidamada Puntland xukuntay oo loo haystay in ay hore Gaalkacyo ugu dileen nin ganacsade ah

Dadka Deegaanka ayaa wariyay inay ku soo tooseen Saaka rasaas xoogan oo la iswedaarsanayo ayna dareemeen cabsi xooggan.

Maamulka Puntland ee magalada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug ayaa illaa hadda wax war ah ka soo saarin weerarkan

Related posts

Ninkii Sababta u ahaa geerida Xildhibaan Kulow Macalim Xasan oo Maxkamad lasoo taagay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Mudulood oo ka hadlay muranka Siyaasadeed ee ka taagan Maqaamka G/Banaadir

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dabkii galabta qabsaday goobo ganacsi oo dhow Zoope

Caydiid Ali
Taboola Ads ---