Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka NISA oo Hiiraan ka fuliyey howgal ka dhan ah Isbaarooyinka

Ciidanka hey’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa ku guuleystay in ay qaadaan 16 jidgooyo oo kooxo hubeysan ay dhigteen deegaanada u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa warku intaa ku daray in lagu soo qabqabtay qaar amid ah maleeshiyaad hubeysan, halka la tilmaamay in qaar kale ay ka baxsadeen goobihii ay dhigteen jidgooyadaasi.

Howlgalkaan oo ku soo dhamaaday si nabad ah ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yiillay Ceelgaal, Kalabeyr iyo Matabaan, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin loo geysanaayo  dadka socotada ah ee ku safra waddooyinka isku xirta gobolada dhexe.

Taliyaha  Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka iyo la dagalanka kooxaha burcadka ah Cismaan cabdi Waasuge ayaa ka dhawaajiyay in la soo afjaray kooxo hubeysan oo todobaadyadii la soo dhafay waddooyinka Baladweyn iyo Mataaan ka waday falal burcadnimo ah oo lagu dhacay dad badan oo u kala safra gobolada dhexe.

Waxaa uu balan-qaaday iney sii wadi doonaan howlgalka inta gobolka Hiiraan laga sifeynayo kooxaha burcada ah ee isbaarooyinka dhigta` jidadka isla markaana dadka iyo gaadiidka dhibaatada ku haya.

HOOS KA DAAWO HOWLGALKA

Related posts

Akhriso: Aragtiga Sharci ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmada (Jinsiga) la xariira

Cabdi Cade

Hooyo Soomaaliyeed oo dil u geesatay Wiil ay dhashay iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo bedelaya go’aan uu horey ugu dhegnaa kaddib cadaadis la saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---