Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Fiqi oo qoraal u diray dhigiisa dowlada cusub ee Siiriya

Dawladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyinkii u horreyay oo ay xiriir kula sameynayso dawladda cusub ee Suuriya ka dib markii la riday nidaamkii ay hogaaminayeen reer Asad ee dalkaas xukumayey muddo ka badan 50 sano.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inuu qoraal rasmi u diray dhiggiisa Suuriya,  Asaad Hassan al-Shaibani  uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay maamulka cusub ee Suuriya.

Fiqi oo waraysi siiyay Al Jazeera ayaa  sidoo kale sheegay inuu dhawaan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda Suuriya.

Inta uu ku jiray waraysiga, wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya dib u xusay inay Suuriya ahayd dalka kaliya ee Carbeed ee u furnaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay tagi karaan markii ay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya

“Safaaradda Soomaaliya ee Dimishiq waligeed lama xirin xilliyo adag, waxaan qorsheynayaa in aan dhawaan booqdo Dimishiq“ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi

Related posts

Jeneraal ilaalo gaar ah u ahaa Boqorka Sacuudiga oo toogasho lagu dilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo ka dib, Madaxtooyada Somalia oo Warkii ugu horeeyey soo saartay (Akhriso)

Caydiid Ali

Shirqool lagu afduuban lahaa laguna dili lahaa Madaxweyne Zelensky oo la fashiliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---